Shirweynaha Ururka Dawladdaha Hoose Ee Somaliland | ALGASL

December 28, 2021

Maalintay taariikhdu ahayd 28-12-2021, waxaa ka qobsoomay magaalada Berbera Shirweynihii Afraad ee ururka dawladaha hoose ALGASL, shirkaasoo ay ka soo qayb galeen 19 degmo, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Xafiiska Maamul Daadajinta (Champion Office) iyo daneeyaasha ALGASL oo ay ugu mudnaayeen Haayada VNG International iyo NAGAAD iyo dhamaan shaqaalaha ururka ALGASL.

Maayaradda dawladdaha hoose ee dalka iyo shaqaalaha ururka ALGASL

Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in lagu doorto hogaanka ururka iyo in lagu ansixiyo qorshayaasha sannadka 2022 ee uu ku shaqayn doono ururku, sido kale in laga warbixiyo halka uu maanta taaganyahay ururka dawladaha hoose ee ALGASL iyo Sharciga Ururka loo soo bandhigay Xubnaha Ururka.

Waxaa sii cadalaalad ah doorashada lagu doortay hogaanka ururka oo laba qaybood isugu jira, guddida fulinta oo seddex qof ah, Gudoomiyaha ururka waxa loo doortay Maayirka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, Halka gudoomiye ku xigeenka loo doortay Maayirka Boorama Maxamed Axmed Warsame, sido kalena loo doortay Xoghayaha Ururka Maayirka Degmada Taleex Abdirahman Cismaan Aw Aadan. iyo sided xubnood oo ah Gudida maamulka sare, Guud ahaan 11 xubnoo ayaa lagu doortay shirkweynaha ururka.

11 xubnood oo kala ahaa:

1. Hargeysa (Gudoomiye)

2. Boorama (Gudoomiye ku-xigeen)

3. Taleex (Xog-hayaha)

4. Buuhoodle (xubin)

5. Ceerigaabo (Xubin)

6. Sheekh (xubin)

7. Salaxlay (xubin)

8. Saylac (xubin)

9. Gabilay (xubin)

10. Caynaba (xubin)

11. Ceel-afwayn (xubin)

Golaha sare ee ururka ALGASL

 

SHARE

Previous
Previous

Dhiirigalinta cashuur bixiyayaasha iyo dawladda hoose ee berbera

Next
Next

Doorka abaaraha ee dawladdaha hoose