Doorka abaaraha ee dawladdaha hoose

February 06, 2022

Waa maxay doorka ay dawladdaha hoose ee dalku ku leeyihiin ka jawaabida abaaraha?

Sida ku xusan dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaand Qodobkiisa 18 aad farqadiisa labaad iyo Xeer Lr.23/2019 Qodobkiisa 40 aad farqadiisa (G) doorka dawladaha hoose waa door sharci waxaan si cad u sheegaaya qodabada sare ku xusan oo nuxurkoodu yahay:

Dawladaha hoose ama xilka golaha deegaanka waxa kamid ah ka hortaga dhibaatada abaarta ,duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaatooyin kasta oo wax u dhimi kara dadwaynaha.

Mucaawinooyin loogu tala galay bulshadii abaaruhu saameeyeen | Sallaxley

Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada cudurrada faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay dawladdu ka yeelanaysaa ku talagal dawladaha hoosana waxay kamid yihiin dawlada.

Hadaba inagoo tixraacayna qodobadaas sare ku xusan oo inoo cadeeyey in dawladaha hoose ay door ku leeyihiin ka jawaabida abaaraha waxaynu marka hore warbixin kooban kabixin doonaa xaalada abaareed ee ka jirta guud ahaa wadanka.

Waxa Soomaalilaand maanta ka jira abaar baahsan oo saamaysay dad iyo duunyaba waxaanay wadanka oo dhan usaamaysay si siman ha ugu sii darnaadaan gobolada bariga sida ay baahiyee guddiga abaaraha Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaand Tariikhdu marka ay ahayd 06/02/2022 oo madaxwayne ku xugeenka J.S.L uu magacaabay degreeto madaxwayne, sumadeedu ah tahay Ref/Jsl/Vp/Gqa/05-01/2016/2022.

kuna tariikhaysan 06/2/2022. guddigaas oo ka kooban gancsato iyo culumada dalka iyo xubno wasiiro ah ee Jamhuuriyadda Soomaalilaand.

Waxa jirta xog ururin la sameeyey oo la xaqiijiyey tirade dadka ay saamaysay hadda iyo inta la rajaynaayo in ay saamayn doonto tirade la xaqiijiyeyna waxay tahay inay si toosa usaamaysay 810,000 oo qof (sided boqol iyo toban kun) waxaana laga cabsi qabaa in ay saamayn ku yeelato 1,200,420 qof (malyan laba boqol iyo 420) Waxa jirta biyo la”aan baahsan oo aad uga jirta gobolada bariga Sool, Sanaag iyo Togdheer,waxaanay foostadii biyaha ahayd ay gaadhay qiimo dhan 50000 (kontan kun oo shilin) waana afar jibaar qiimihii hore ee aytaagneyd, biyuhuna waa waxa ugu muhiimsan nolasha oo hadii aanay biyo jirin ma jirto cid noolaanaysa hadii ay dad, doonyo iyo baadba tahay, arrintana waxay saamayn toosa ku yeelatay guud ahaan dhaqaalihii waddanka.

Side ayaa looga jawaabay haddaba abaarta dhacday?

Guddiga gurmadka abaaraha heer qaran waxay sameeyeen baaqyo ah in loo gurmado dadka abaarto samaysay oo ala gaadho biyo dhaamis, sidoo kale gudigu waxay sameeyeen xog ururin si looga jawaabo si cilmaysan oo la is waafajiyo baahiya iyo khayraadka kooban ee la hayo.

Mucaawinooyin loogu tala galay bulshadii abaaruhu saameeyeen | Sallaxley

Sidoo kale waxa la qiimeeyey kharakh loo baahan yahay inta uu leegyahay oo lagu qiyaasay $41,000,000 iyada oo lakala qaaday afar qaybood oo kala biyo , cunto, caafimaad iyo taageerida xoolaha ah ta koowaad meelaha biyo dhaamis looga baahan yahay oo lagu qiyaasay lacag xadigeedu dhan yahay $7,000,000( todoba milyan oo doolar) talabaad waxa la qiyaasay xadiga lacagta lagaga jawaabi karo baahida cunto ee jirta oo lagu qiyaasay $2,3000,000(seddex iyo labaatab milyan) ta seddexaad waxa la qiimeeyey baahida xoolaha lagu taageeri karo oo lagu qiyaasay $10,000,000( toban milyan ), waxa sidoo kale iyadana la qiimeyey in adeeg caafimaad la gaadhsiin karo dadka ay abaaruhu saameeyaan xaga caafimaadka oo lagu qiyaasay $1,000,000(hal mliyan oo doolar).

Runtii waxa jira adeeg hufan oo la taaban karo oo ay bixisay dawladu hadii ay tahay heer degmo oo ay hogaaminayaan dawladaha hoose ee dalku iyo hadii ay tahay dawlada dhexeba ,sidoo kale waxa iyana ka jawaabay ganacsata,hayaadaha caalamiga ah iyo bulshada rayidka ahba.

Dawladaha hoose ee dalku waxay ku amaananyihiin in ay sameeyeen wacyigalin iyo baaqyo ay gaadhsiiyeen cidkasta oo ay khusayso baahida daran ee ka jirta wadanka iyo in loo baahan yahayn in laga jawaaboba.

Dawldaha hoose ee dalku waxay sameeyeen sidoo kale biyo dhaamin ay gaadhsiiyeen dadka ay biyo la”aantu ku dhacday inta karaankooda ah iyaga oo ugu kala badnaa sida ay abaartu ugu jirtay deegaanada ay matalaan iyo xadiga itaalka ay jawaab bixin karaanba .

Tallo soo jeedin ku socota Dawladaha Hoose ee dalka:

1. Ugu horayn waxaa loo soojeedinayaa Dawladaha Hoose ee dalka in ay aasaasaan waaxdka kajawaabida masiimooyinka iyo ka soo kabashada oo heer degmo ah.

2. In ay Miisaniyada iyo qorshaha ku darsadaan xadi lacag ah oo ay kaga jawaabaan waxyaabaha lama filaanka ah dhici kara.

3. In ay shaqaalahooda u carbiyaan sidii ay utaageerilahaayeen dadka ay dhibtu soo gaadho.

 

SHARE

Previous
Previous

Shirweynaha Ururka Dawladdaha Hoose Ee Somaliland | ALGASL