Dhiirigalinta cashuur bixiyayaasha iyo dawladda hoose ee berbera

February 14, 2022

Berbera

Maamulka dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa isugu yeedhay qaar kamid ah ganacsatada magaalada Berbera oo ay u aqoonsadeen in ay yihiin ganacsatadii ugu wanaagsanaa ee cashuurta ku waajibtay ku bixiyay sidii qorshuhu ahaa iyo wakhtigii loogu talo galay. Xafladda abaalmarinta cashuur bixiyayaashii ugu wanaagsanaa ee magaalada Berbera ayaa ka qabsoontay xarunta laybareeriga Berbera, 13-kii February, 2022.

Masuuliyiinta ugu sareeya ee heer gobol iyo degmo ayaa xafaladda abaalmarinta ka hadlay oo ku amaanay ganacsatada si joogta ah u bixiya cashuurihii ku waajibay, waxayna ku dhiirigaliyeen in lagu daydo oo cashuurta sideeda loo bixiyo si dawladda hoosena u gaadhsiiso adeeg hufan oo tayo leh.

Ugu danbayntii, maayarka magaalada Berbera mudane Cabdishukuur Maxamuud Ciddin iyo Badhasaabka gobolka Saaxil mudane Axmed Maxamad Xaashi ayaa guddoonsiiyey abaalmarino iyo shahaado Sharaf dhamaan intii ganacsato ahayd ee ugu wanaagsanayd sanadkii tagay bixinta cashuurta ku waajibtay.

Maayarka Berbera

 

SHARE

Previous
Previous

Latacaalida abaaraha ee degmada taleex

Next
Next

Shirweynaha Ururka Dawladdaha Hoose Ee Somaliland | ALGASL