Newsroom
Find the latest news on ALGASL work and issues related to Somaliland local governments
Soo noolaynta aasarta qadiimiga ah ee degmada saylac
Dawladda hoose ee degmada Saylac waxa ay sannadkan 2022 qorshaysay in ay dayactir ku samayso goobaha aasaarta qadiimiga ah ee u baahan in waxlaga qabto, kuna yaala magaalo taariikheedka Saylac. Madxafka magaalada Saylac waxa uu ka mid yahay goobaha taariikheed ee la qorsheeyey in sannadkan la dayactiro.
Maalgalinta danyarta iyo dib u xoolaynta ee dawladda hoose gabiley
Maalgalinta danyarta iyo dib u xoolaynta ee dawladda hoose gabiley Waa mushruuc loogu talo galey in loogu abuuro ilo dakhli qoysaska danyarta ah. Mashruucani waxa uu bilaabmay 250 qoys oo ku dhaqan Degmada Gabiley. Mashruucani waxa uu xooga saarayaa kor u qaadida ganacsatada yar-yar.wajigiisii koobaad sanadkii 2020ka, waxan ka faa’iidaystey 100 qoys oo danyar ah, halka wajigiisa labaad u ahaa sanadkan 2021ka waxaana mashruucan ka faa, iidaystay 150 qoys oo kale, guud ahaan tirade qoysasku waa 250 qoys.
Dadaalka dawladda hoose ee burco iyo kor u qaaddida bilicda magaalada burco
Dadaalka dawladda hoose ee burco iyo kor u qaaddida bilicda magaalada burco. Dawladda hoose degmada burco ayaa ka fulisay olole nadaafadeed afarta degmo ee ay la koobantahay magaalada burco oo kala ah degmada maxamed cali, degmada faarax oomaar, degmada sh.Bashiir iyo degmada lixle ololahan.
Latacaalida abaaraha ee degmada taleex
Maamulka dawladda hoose ee degmada Taleex oo uu hogaamiyo mayorka degmada Taleex ahna xoghayaha Guud ee ururka dawladaha hoose ee Somaliland ALGASL Cabdiraxmaan Cismaan Aw Aadan, ayna ku weheliyeen xoghayaha degmada Mukhtaar cumar Cali iyo qaar ka mid ah
Dhiirigalinta cashuur bixiyayaasha iyo dawladda hoose ee berbera
Maamulka dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa isugu yeedhay qaar kamid ah ganacsatada magaalada Berbera oo ay u aqoonsadeen in ay yihiin ganacsatadii ugu wanaagsanaa ee cashuurta ku waajibtay ku bixiyay sidii qorshuhu ahaa iyo wakhtigii loogu talo galay. Xafladda abaalmarinta cashuur bixiyayaashii ugu wanaagsanaa ee magaalada Berbera ayaa ka qabsoontay xarunta laybareeriga Berbera, 13-kii February, 2022.
Shirweynaha Ururka Dawladdaha Hoose Ee Somaliland | ALGASL
Maalintay taariikhdu ahayd 28-12-2021, waxaa ka qobsoomay magaalada Berbera Shirweynihii Afraad ee ururka dawladaha hoose ALGASL, shirkaasoo ay ka soo qayb galeen 19 degmo, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Xafiiska Maamul Daadajinta (Champion Office) iyo daneeyaasha ALGASL oo ay ugu mudnaayeen Haayada VNG International iyo NAGAAD iyo dhamaan shaqaalaha ururka ALGASL.
Doorka abaaraha ee dawladdaha hoose
Waa maxay doorka ay dawladdaha hoose ee
dalku ku leeyihiin ka jawaabida abaaraha?